Minister - Dr. Saad Ali Shire

Chairman - Abdi Abdilahi Hirsi

Connect with us

Newsletter - Click to Download

News

Missions Abroad

Xaflada xilwareejinta Wasiir ku xigeenkii hore iyo Wasiirku xigeenka cusub ee Wasaarrada Arimaha Dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland

Xaflada xilwareejinta Wasiir ku xigeenkii hore iyo Wasiirku xigeenka cusub ee Wasaarrada Arimaha Dibedda ee Jamhuuriyada Somaliland

 

Waxa maanta ku qabsoontay hoolka shirarka ee Hay’ada qurbajooga ee jamhuuriyada Somaliland xaflad ay xilalka kula kala wareegayeen  Wasiir ku xigeenkii hore ee wasaarrada Arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah Mudane Amb Kaysar Maxamed C/laahi

iyo wasiirku xigeenka cusub Mudane Liibaan Yuusuf Cismaan Waxa isla goobta isna xilkii uu  qaranka uhayey kuwareejiyey Wasiirudawlihii hore ee Wasaarrada Arimaha Dibedda Pro Maxamed Maxille Boqore waxaa munaasibada goob joog ka ahaa madaxda wasaarrada Arimaha Dibedda JSL oo ay ka mid yihiin Wasiirka wasaarrada Arimaha dibedda DR Sacad Cali Shire, Agaasimaha  guud ee wasaarrada arimaha dibedda , Gudoomiyaha Hay’adda Qurbajooga Mudane Cabdi C/laahi {Dayaxweerar}, Agaasimaha Hay’adda Qurbajooga Xasan Axmed Yuusuf, Agaasime waaxeedyada wasaarada, Agaasimaha Hay’adda maamul wanaagga iyo la dagaalanka musuqmaasuqa, Ergayga uqaabilsan somaliland wada hadalada Somaliland iyo Somaliya Marwo Adna Aadan Ismaaciil, Shaqaalaha wasaarrada arimaha dibedda iyo iskaashiga caalamiga ah iyo marti sharaf aad utiro badan.

 

Halkan hoose ka daawo vediogii oo dhamaystiran

 

Sawiradii Xafladda Xilwreejinta